Sawirro:-Maleeshiyadda Xuutiyiinta oo sii daayay Askari Sacuudiyaan xanuunsan

Askarigaasi oo lagu magacaabo Muuse Bin Showi Cawaji ayaa la sheegay in la sii daayey, wuxuuna xalay ka degay Saldhigga Diyaaradaha Milliteriga ee lagu magacaabo King Salman air base oo ku yaalla caasimadda dalka Sacuudiga ee Riyaaadh.

Afhayeenka  Isbahaysiga Milliteri ee Sacuudiga, Turki Al-maaliki ayaa xaqiijiyey in la sii daayey Askariga Sacuudiyaanka, wuxuuna xusay inuu Askarigaasi uu xanuunsan yahay, isla markaana aysan xaalladiisu caadi ahayn.

Waxa uu tilmaamay in Ergayga QM u jooga dalka Yemen, Martin Griftis uu ka shaqeeyey sidii ay labada dhinaca isku weydaarsan lahaayeen Maxaabiista.

Maleeshiyadda Xuutiyiinta waxay Askariga Sacuudiyaanka ee ay wareejiyeen ku bedelan doonaan 7 ka tirsan Maleeshiyadooda oo la filayo inay Isbahaysiga Sacuudiga sii daayaan maalmaha soo socda.

Hay’adda Laanqeyrta Cas ee Caalamiga ee ICRC  waxay soo dhaweysay Tallaabadda ay Maleeshiyadda Xuutiyiinta Yemen ku sii daayeen Askarigaasi oo la sheegay inay sii-dayntiisu qeyb ka tahay Heshiis ay Sacuudiga iyo Xuutiyiinta isku weydaarsan doonaan Maxaabiista ay kala hayaan.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor