Sawirro:-Madaxweynihii hore ee Somalia Xasan Sheekh iyo wefdi uu hogaminayo oo u duulay Kismaayo

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wefdi uu hogaaminayo ayaa goordhow ka ambabaxay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho iyaga oo kusii jeeda magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee Jubbaland.

Wefdigaan ayaa iskugu jira xildhibaano ka tirsan golaha shaccabka iyo aqalka sare waxaana daqiiqadaha soo aaddan ay ka degayaan halkaas iyada oo soo dhaweyntooda ay ka socoto garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo.

Barqanimadii maanta ayaa magaalada Kismaayo waxaa gaaray wefdi balaaran oo uu  hogaaminayay madaxweynaha Puntland Siciid C/llaahi Deni kuwaas loo madaxweynaha Jubbaland uu ku soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo.

 

Comments
Loading...