Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Gelle Xaaf iyo Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Dani ayaa Maanta ku kulmay Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.
Kulanka ayaa waxaa goobjoog ahaa qaar ka mid ah wasiirada iyo Xildhabaanada labada dhinac ee Puntland iyo Galmudug waxaana intiisa Badan looga hadlay xaalada guud ee amniga Magaalada Gaalkacyo iyo Gobolka Mudug oo ay wada degaan labada Maamul.
Waxaa sidoo kale la isla soo qaaday halka ay marayaan arrimaha Nabadeenta Gaalkacyo iyo waxyaabaha kusoo kordhay iyo sidii halkooda looga sii wadi lahaa
kulanka oo wali socda ayaa waxaa goordhaw la filayaa in laga soo saaro warmurtiyeed ku saabsan waxyaabaha ay kawada hadleen Madaxda labada Maamul.