Sawirro:-Madaxweyne Xaaf oo Nairobi kula kulmay Madax ka tirsan Hay’adaha ka howlgalla Soomaaliya

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa kulamo isdaba jooga kula yeeshay magaalada Nairobi madax iyo diblomaasiyiin kala duwan iyo sidoo kale hay’adaha caalamiga ee ka hawl gala Soomaaliya

Madaxda uu la kulmay ayaa waxaa kamida safiirada Germany, Switzerland, Britain, Madaxa IGAD iyo wakiilkooda Somalia, European Union, Madaxa ICRC, UNOPS, UNSOM, SSF, IOM, ZAMZAM FOUNDATION iyo kuwo kale.

Madaxaweynuhu wuxuu kala hadlay dhammantood iney xoojiyaan wadashaqeynta ay la leeyihiin Soomaliya sidoo kale ay iney dadejiyaan bilaabidda mashaariicda horumarineed ee loogu tala galay Galmudug taasoo waqtiyadii lasoo dhaafay hakad galay, dhamaantoodna aad ayey usoo dhaweeyeen una ballan qaadeen iney bilaabayaan mashaariicda si degdeg ah.

Wuxuu madaxweynuhu sidoo kale kulamo joogta la lahaa siyaasiinta iyo jaaliyadda reer Galmudug isaguu ku dardar galiyey iney masuuliyad iska saaraan kana qeyb qaataan harumarinta deegaanka Galmudug dhan siyaasadeed iyo mi horumarineedba, taasoo si weyn la isugu afgartay.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor