Madaxweynaha Maamulka Galmudug ayaa maanta booqday xarumaha ay ku shaqeynayaan Gudiyada isku dhafka Baarlamaanka iyo Gudiga isku dhafka labada Dastuur
Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa warbixino ka dhageystay xubnaha gudiyada waxa ayna u sheegeen in Shaqada ugu badan ee dib u eegista Dastuurka la xaliyey
Qodobada dastuurka ee ku saabsan Maaliyada iyo Xuquuqda aadanaha ayaa si weyn loo eegayaa waxa uuna madaxweynuhu kula dardaarmay gudiyada in ay mudo kooban ku soo dhameeyaan shaqada
Madaxweyne xaaf ayaa ugu dambeyn kormeer ku tagey Xerada 21aad ee ciidanka xooga dalka waxa uuna saraakiisha xerada u sheegey in dhowaan la bilaabi doono dhismaha xeradda.