Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo wafti uu hoggaaminayo, ayaa maanta safar shaqo ugu ambo-baxay dalka isu-tagga Imaaaraadka Carabta oo ay marti-qaad rasmi ah ka heleen, una soo diray diyaar khaasa.
Madaxweynaha ayaa waxaa safarkiisa wehlinaayay xubno ka tirsan maamulkiisa,iyagoona dalka Imaaraadka ugu ambabaxay marti-qaad rasmi ah oo ay dawladda isu-tagga Imaaraadka Carabta ka heleen, waxana uu safarkoodan oo ah mid shaqo uu qaadan doonaa muddo maalmo ah.
Af-hayeenka madaxweynaha Somaliland, Mudane Maxamuud Warsame Jaamac, ayaa warbaahinta uga xog-warramay ujeeddada uu salka ku hayo safarka ay madaxweynaha iyo waftiga uu hoggaaminayaa ugu ambo-baxeen dalka imaaraadka carabta,
“ Waxa uu safarka madaxweynuhu salka ku hayaa xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya waddamada Imaaraadka carabta iyo Somaliland oo wadaaga xidhiidh siyaasadeed iyo mid ganacsi, islamarkaana ay ka dhexeeyaan hawlo horumarineed oo aad u waaweyni, waxaana uu dardargelin doonaa xidhiidhka labada dal.”
Safarka Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ugu ambabaxay dalka isu-tagga Imaaraadka carabta, ayaa ah kii labaad ee uu dalkaas ku tago tan iyo intii uu xilka qabtay