Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu maanta xafiiska ku qaabilay safiirka dalka Ingiriiska u qaabilsan Soomaaliya, Amb. Ben Fender oo maanta Hargeysa ku tegay safar shaqo.
Kulanka waxa lagaga wada hadlay qodobo ay ka mid ahaayeen sidii looga wada shaqeyn lahaa siyaasada guud iyo amaanka mandaqada geeska, diyaar garawga iyo qabsoomida arrimaha doorashooyinka wakiilada iyo golayaasha deegaanka, geediga dimuquraadiyada, dardar-gelinta iyo kor u qaadida kaalmooyinka horumarineed ee dawladda Ingiriisku ku taageerto Somaliland iyo xoojinta xiriira labada dhinac.
Safiirka dalka Ingiriiska u qaabilsan Soomaaliya ayaa bogaadiyay sida maamulka Somaliland u soo dhaweeyeen Wafdigii uu la socday,isla markaana aad ugu magadceliyay Madaxda maamulkaasi.