Sawirro:-Madaxweyne ku-xigeenka Puntland oo tababar usoo xiray Ciidamo Cusub

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa tababar usoo xiray  250 Askari oo ka tirsan ciidanka Birmadka Madaxtooyada oo muddo 8-bilood ah uga socdey xerada 54-aad ee taliska ciidanka Daraawiishta Puntland.

Xidhitaanka tababarkani ayaa waxaa Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland ku wehelinaayey Masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladda, Taliyaha Ciidanka Daraakiishta, Taliyaha Ciidanka Booliska, Guddiga La-taliyayaasha Arrimaha Ciidanka ee Madaxweynaha, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Puntland iyo saraakiil ka tirsan ciidanka Daraashiishta Puntland.

Ciidanka Birmadka ee maanta tababarku usoo xiray ayaa soo bandhigay xirfadaha iyo xeeladaha ciidanka, tabta difaaca xuduudaha dalka ee ka hortagga cadawga, sugidda amniga Madaxda, suggidda amniga shacabka, badbaadinta goobaha ay ka dhacaan hawlgaladu, xeeladaha ka hortagga shacabka kusoo dhex-dhuunta, ad-adayg, edaab ‘’Asluub’’, ka hortagga xaaladaha deg-degga ah iyo xirfado kale oo muhiim ah.

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash oo usoo xiray tababarkani ciidanka ayaa bogaadiyey dedaalka dheer ee masuuliyiinta ciidanku ku bixiyeen dhismaha iyo tababarka xirfadaysan ee ciidanku maanta soo bandhigeen.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media