Sawirro:-Madaxweyne ku-xigeenka Puntland oo kormeeray Xarumo ku yaalla Garoowe

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa kormeer shaqo ku tegey Bangiga Dhexe ee caasimadda Garoowe iyo Taliska Guud ee Ciidanka Booliska Puntland.

Kormeerka Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland ayaa daaranaa korjoogtaynta sida ay u socoto shaqada muhiim ka ah ee ay hayaan xarumahaasi, Ku-simaha Madaxweynaha ayaa kormeerkiisa ka bilaabay Bangiga Dhexe ee dowladda, halkaasi oo ay ku sugnaayeen masuuliyiinta Bangiga iyo hawl-wadeenada Bangiga oo ku gudajira shaqadooda, waxa uu booqday dhammaan xafiisyada ay ka kooban tahay xaruntu.

Guddomiyaha Bangiga Cabdicasiis Ismaaciil Boos ayaa ka warbixiyey kormeerka Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland, Ahna ku-simaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cimaan Karaash uu ku tegey Bangiga iyo kulan gaar ah oo ay wadaqaateen.

“Waxaa maanta kormeer noogu yimi Bangiga Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, booqashada Madaxweynaha ayaa qayb ka ahayd kormeer uu ku samaynaayey hay’addaha , wuxuu soo kormeeray waaxyaha, qaybaha, dhismayaasha iyo laamaha Bangiga”

“Intaasi markii ay soo idlaatay waxaanu Madaxweynaha wada-qaadanay shirgaara ah, waxaanu siinay warbixino la xiriira sida ay shaqadu u socoto iyo sidii Bangiga loo casriyeynlahaa si uu ula jaanqaado Bangiyada kale” Ayuu yiri Guddomiyaha Bangiga Dowladda Cabdicasiis Ismaaciil Boos.
Sidoo kale Ku-simaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa kormeeray Taliska ciidanka Booliska Puntland ee caasimadda Garoowe, waxaana halkaasi kusoo dhoweeyey Taliyaha ciidanka Booliska Puntland Gen.

Muxiyadiin Axmed Muuse, Ku-xigeenadiisa iyo taliyaha qaybta gobolka Nugaal G/Sare Cabdixamiid Maxamed Dirir, waxa uu intaasi kadib kulan gaar ah la qaatay masuuliyiintaasi iyo hogaanada kale ee ciidanka Booliska Puntland.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media