Sawirro:- Madaxweyne ku-xigeenka Puntland oo garay magaalada Boosaaso

Madaxweyne Ku-xigeenka maamulka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash iyo wefti uu hogaaminay ayaa maanta dib ugu soo Laabtay deegaanada Puntland, kana soo degey xarunta ganacsiga Puntland ee Boosaaso kadib sarfar shaqo oo ay ugu maqnaayeen dalalka Jabuuti iyo Imaaraadka.

Weftiga Madaxweynaha ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Boosaaso si diiran ugu soo dhoweeyey Guddoonka gobolka Bari, kan degmada Boosaaso, masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha maamulka Puntland, Taliyaha qaybta gobolka, saraakiil ciidan siyaasiyiin, oday dhaqameedyo, waxgarad iyo shacabka magaaladaasi oo qayb ka ahaa soo dhoweynta weftiga.

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa ugu horayn ka mahadnaqay soo dhoweynta isaga iyo weftigiisa, waxaana uu ka warbixiyey safarkiisa shaqo ee qaatay 15 cisho, kaasi oo uu ku horeeyey Jalka Jabuuti oo uu kala qayb galay malinta xuriyadda dalkaasi Juun, 27, 2019.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media