HomeWararSawirro:-Madaxweyne farmaajo oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjireyaal cusub

Sawirro:-Madaxweyne farmaajo oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjireyaal cusub

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjireyaasha cusub ee dalalka Faransiiska iyo Jarmalka oo baddalaya danjireyaashii hore ee dalalkaas u joogay Soomaaliya. Danjiraha Dalka Faransiiska Marwo Aline Kuster-Menager ayaa Madaxweynaha u gudbisay farriiin ay uga sidday Madaxweynaha Dalkeeda Mudane Emmanuel Macron, taas oo ku saabsan bogaadinta guulaha Dowladda […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjireyaasha cusub ee dalalka Faransiiska iyo Jarmalka oo baddalaya danjireyaashii hore ee dalalkaas u joogay Soomaaliya.

Danjiraha Dalka Faransiiska Marwo Aline Kuster-Menager ayaa Madaxweynaha u gudbisay farriiin ay uga sidday Madaxweynaha Dalkeeda Mudane Emmanuel Macron, taas oo ku saabsan bogaadinta guulaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku tallaabsatay iyo dhiirri gelinta qorsheyaasha horumarineed ee la higsanayo.

- Advertisement -

Danjire Aline ayaa tilmaamtay in dalkeedu uu kaalin ka qaadanayo dhammaystirka dadaallada cafinta daymaha lagu leeyahay Soomaaliya iyo tayeynta Ciidamada Qalabka Sida.

Sidoo kale, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjire Annette Gunther si ay dalkeeda Jarmalka ugu matasho Soomaaliya, isagoona kula dardaarmay in ay sii xoojiso xiriirka saaxiibtinimo ee labada dal.

Danjire Gunther ayaa sheegtay in Soomaaliya ay ka taageeri doonaan kobcinta xirfadaha iyo barashada farsamada gacanta, taas oo lagu xoojinayo fursadaha shaqo ee dhallinyarada Soomaaliyeed.

- Advertisement -

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay xoogga saareyso dhismaha ciidanka, kobcinta dhaqaalaha, dhammeystirka hannaanka dimuqraadiyadda, dhismaha kaabeyaasha dhaqaalaha iyo kor-u-qaadista fursadaha shaqo ee dhallinyarada, dhammaan qorsheyaashaasna ay gacan ka geystaan Midowga Yurub oo ay hormuud u yihiin dalalka Jarmalka iyo Faransiiska.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts