HomeWararSawirro:-Madaxweyne farmaajo oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjireyaal cusub

Sawirro:-Madaxweyne farmaajo oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjireyaal cusub

Date:

Related stories

Mucaaradka iyo Safiirka Turkiga oo ku shiraya hoyga Shariif Sheekh Axmed

Safiirka Turkiga iyo hoggaamiyeyaasha mucaaradka oo ku shiraya hoyga Sheekh Shariif.

Xog: Maxay tahay xarunta cusub ee ‘Halmeel’ ee maanta Golaha Wasiirradu ansixiyeen?

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey dhismaha xarunta adeegga mideysan ee "Halmeel".

Kuleylkii oo laga nastay: Roobka maanta ka da’ay Muqdisho oo dadku ku diirsadeen.

Dadweynaha oo si weyn u soo dhaweeyay nafiskan ka dib kulaylkii jiray.

Turkiga oo ka dhabeynaya ballantii: Ciidamada Soomaaliya oo helaya garab cusub oo toos ah.

Turkiga oo ballan-qaaday taageero toos ah oo ka dhan ah Al-Shabaab iyo Daacish.

Xog: Sirdoonka qaranka oo fashiliyay shirqool weyn oo ka dhacay Shabeellaha Dhexe.

Hay’adda NISA oo kaashanaysa saaxiibada caalamiga ah ayaa howlgal dhabbagal ah ka fulisay Shabeellaha Dhexe.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjireyaasha cusub ee dalalka Faransiiska iyo Jarmalka oo baddalaya danjireyaashii hore ee dalalkaas u joogay Soomaaliya.

Danjiraha Dalka Faransiiska Marwo Aline Kuster-Menager ayaa Madaxweynaha u gudbisay farriiin ay uga sidday Madaxweynaha Dalkeeda Mudane Emmanuel Macron, taas oo ku saabsan bogaadinta guulaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku tallaabsatay iyo dhiirri gelinta qorsheyaasha horumarineed ee la higsanayo.

Danjire Aline ayaa tilmaamtay in dalkeedu uu kaalin ka qaadanayo dhammaystirka dadaallada cafinta daymaha lagu leeyahay Soomaaliya iyo tayeynta Ciidamada Qalabka Sida.

Sidoo kale, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjire Annette Gunther si ay dalkeeda Jarmalka ugu matasho Soomaaliya, isagoona kula dardaarmay in ay sii xoojiso xiriirka saaxiibtinimo ee labada dal.

Danjire Gunther ayaa sheegtay in Soomaaliya ay ka taageeri doonaan kobcinta xirfadaha iyo barashada farsamada gacanta, taas oo lagu xoojinayo fursadaha shaqo ee dhallinyarada Soomaaliyeed.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay xoogga saareyso dhismaha ciidanka, kobcinta dhaqaalaha, dhammeystirka hannaanka dimuqraadiyadda, dhismaha kaabeyaasha dhaqaalaha iyo kor-u-qaadista fursadaha shaqo ee dhallinyarada, dhammaan qorsheyaashaasna ay gacan ka geystaan Midowga Yurub oo ay hormuud u yihiin dalalka Jarmalka iyo Faransiiska.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories