Sawirro:-Madaxweyne Farmaajo oo Kumanaan shacab ah kula dabaal degay Koonis

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa haatan ka qeyb galaya Munaasabad si heer sare loo soo agaasimay oo lagu xusayo Kowda Luulyo,taasi oo ka socota Garoonka Kubadda cagta Stadium Konis ee magaalada Muqdisho.

Munaasabadda oo ah mid loogu dabaal degayo 1da Luuliyo 1960kii oo aheyd maalintii xornimada iyo isku darkii koonfur iyo waqooyi ayaa sidoo kale waxaa ka qeyb galaya Mas’uuliyiin ka tirsan labada Gole ee Dowladda Federaalka,Saraakiil ciidan iyo kumanaan shacab ah oo ka kala yimid degmooyinka Gobolka Banaadir.

Shacabka ka qeyb galaya munaasabaddan ka socota Garoonka Kubadda cagta ee Istadium Konis ayaa wajiyadooda laga dheehan karaa farxad iyo hilowga ay u qabaan Soomaaliya oo mid ah oo horumar ku tallaabsata.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media