Sawirro:-Madaxweyne Farmaajo oo booqday Masaajidkii iyo Dugsigii ku bur buray qarixii degmada Howl-Wadaag

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa galabta dalka dib ugu soo laabtay keddib ka qeybgalkii Madasha Shiinaha iyo Afrika ee Beijing iyo kulankii saddex geesoodka ahaa ee Asmara uu kula yeeshay Madaxweynaha Eritrea Issias Afwerki iyo RW Itoobiya Abiy Axmed.

Dhanka kale Madaxweyne Farmaajo ayaa Isla galabta booqday Masaajidkii iyo Dugsigii ku bur buray qarixii dhawaan lagu weeraray Xarunta Maamulka degamda Howl-Wadaag,isaga oo sheegay inuu xanuunka la qeybsanayo ehelada dadkii ku dhintay qaraxaasi.

Madaxweynaha ayaa intaas ku daray inaan laga niyad jabin dhaqanka Al-Shabaab,isla markaana  lagu dhiso wixii naga burburay Ololaha Isxilqaan.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor