Sawirro:-Madaxweynaha Somaliland oo la kulmay Safiirka Midowga Yurub ee Somalia

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta oo ay taariikhdu ahayd 09-10-2019 xafiiskiisa ku qaabilay safiirka midawga yurub u qaabilsan Soomaaliya, Amb. Nicolás Berlanga Martinez iyo wefti uu hoggaaminayo.

Kulankaana waxa lagaga wada hadlay xoojinta xiriirka wada shaqayneed ee ka dhexeeya Somaliland iyo midawga yurub sidii loo dardar-gelin lahaa.

Sidoo kale, waxa lagu lafo-guray mashaariicda horumarineed ee midawga yurub iyo Somaliland iska kaashadaan hirgelintooda iyo diyaar garawga doorashooyinka goleyaasha wakiillada iyo deegaanka oo safiirku sheegay inay dhinacooda diyaar u yihiin wixii kaalmo ah ee ay kaga qayb-qaadanayaan qabsoomida doorashooyinka Somaliland.

Ugu danbayntiina madaxweynaha Somaliland oo uu kulanka ku wehelinaayey wasiirka arrimaha dibeda iyo iskaashiga caalamiga ah Prof. Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon), ayaa safiirka iyo midawga yurub ku bogaadiyey xiriirka wanaagsan ee ka dhexeeya Somaliland iyo midawga yurub iyo mashaariicda horumarineed ee ay ka wadaan.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media