Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo waftigii uu hoggaaminayay ayaa gaaray dalka Imaaraadka carabta ka dib marti-qaadkii rasmiga ahaa ee uu ka helay wadankaas Madaxweynuhu maantana ugu safray Imaaraadka Carabta.
Madaxweyne Muuse Biixi ayaa markii uu gaaray Garoonka diyaaradaha Magaalada Abu dhabi ee caasimada wadanka UAE, waxaana halkaasi ku soo dhaweeyey Wasiirka Caddaaladda ee Imaaraadka, Sultan bin Saeed Al Badi Al Dhaheri iyo Mas’uliyiin ka tirsan dawladda Imaaraadka.
Muuse Biixi iyo wafdiga la socdo ayaa waxa ay maalmaha soo socda guda gali-doonaan kulamaddii rasmiga ahaa ee ay la qaadanayeen Mas’uuliyiinta sar sare ee dawladda imaraadka carabta.
Safarka Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi uu ku gaaray dalka isu-tagga Imaaraadka carabta, ayaa ah kii labaad ee uu dalkaas ku tago tan iyo intii uu xilka qabtay.