Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta Madaxtooyadda ku qaabilay Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo maanta dalka dib ugu laabtay Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal.
Kulanka u dhexeeyay Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni iyo Cabdiweli Gaas ayaa waxaa uu ahaa mid is-xogwareysi ah oo looga hadlay xaaladihii ugu dambeeyay deegaanada Puntland iyo Arrimaha Siyaasadda dalka.
Kulanka ayaa waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Puntland Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl, Guddoomiye Ku-xigeenka 1aad Golaha Wakiilada Abuukaate Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan, Xildhibaano iyo Saraakiil Madaxtooyo.
Madaxweynihii hore ee Maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Ujeedka Maanta uu u tegay Garoowe waxaa ay tahay ka qeyb galka Shirka Wada-tashiga Puntland ee uu ku dhawaaqay Madaxweyne Deni, kaasi oo dhacaya 15-ka bishaan 2020.
Madaxweyne Gaas ayaa dalka dibaddiisa ku maqnaa muddo 13-bilood ah, isagoo 2-dii Bishii February ee sanadkii tegay ee 2019 ka dhoofay Magaalada Garoowe, kadib looga adkaaday doorashadii ka dhacday Puntland ee uu kusoo baxay Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni.