Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa Maanta gaaray Degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
Wafdiga la socday Madaxweyne Lafta-gareen ayaa waxaa qeyb ah Guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed Cabdiqaadir shariif sheekuna Maye, Xildhibaano, Wasiiro ka tirsan maamulkaas, waxaana Garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Degmada Waare.
Madaxweyne Lafta-gareen ayaa Degmada Barawe ee Casimadda Koonfur Galbeed u tegay sidii u halkaas ugu soo dhagax dhigi lahaa Mashaariic Horumarineed oo laga hirgelinayo halkaas.
Sidoo kale inta uu ku sugan yahay Madaxweynaha halkaas ayaa waxaa uu kulamo la qaadan Mas’uuliyiinta Degmada Baraawe iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.