Sawirro:-Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo la kulmay Wakiilka QM ee Somalia

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa Magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Wakiilka Qaramada Midoobey u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya James Swan.

Kulanka uu Madaxweyne Lafta-gareen la qaatay James Swan ayaa waxaa ku wehlinayay Agasimaha Guud ee Madaxtooyada koonfur Galbeed Ibraahim Cabduqaadir Maxamed  iyo Wakiilka Koonfur Galbeed ee unugga Deeqaha Soomaaliya.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed iyo Wakiilka Qaramada Midoobey ee ayaa ka wada hadlay Arrimaha Amniga, Dhameestirka Dastuurka Koonfur Galbeed iyo Kor u qaadida Arrimaha Hormarinta.

Latfa-gareen ayaa Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka u jooga ka qeyb galka Shirka Iskaashiga Soomaaliya oo Maanta lagu soo gaba-gabeyn doono Muqdisho,kaasi oo shalay furmay.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media