Sawirro:- Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo gaaray Degmada Waajid

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa Goordhow gaaray Degmada Waajid ee Gobolka Bakool.

Garoonka diyaaradaha Waajid ayaa Madaxweyne Lafta-gareen iyo wafdiga la socday waxaa kusoo dhaweeyay Wasiiro ka tirsan Koonfur Galbeed, Maamulka Degmada iyo dadweyne farabadan.

Ujeedka Madaxweyne Cabdicasiis Lafta-gareen ee Degmada Waajid ayaa ah sidii uu qiimeyn uga soo sameeyn lahaa xaalada guud ee deegaanka, isagoo la kulmi doona qeybaha kala duwan ee Bulshada ku dhaqan halkaas iyo maamulka Degmada.

Sidoo kale inta uu ku sugan yahay Lafta-gareen degmadaas waxaa uu kormeer ku sameeyn doonaa Xarumaha kala duwan uu ku shaqeeyo maamulka Waajid.

Waa Safarkii ugu horeeyay ee Madaxweyne Lafta-gareen uu ku tagay Waajid tan iyo markii loo doortay xilka Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media