Sawirro:-Madaxweynaha KGS oo la kulmay wefdi ka socday Jarmalka

Wafdi ka socda dowladda Jarmalka ayaa maanta gaaraya magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka bay,halkaasi oo ay ku soo dhaweeyeen mas’uuliyiinta dowlada goboleedka Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed(Laftagareen) ayaa Xafiiskisa ku Qaabilay Wafdigaasi oo ka socday safaaradda Jarmalka ee Soomaaliya,iyagoo ka wada hadlay arrimo dhowr ah.

Wafdigaasi waxaa hoggaminaysay danjiraah dowladda Jarmalka ee Soomaaliya Annett Günther iyo ku Xigeenkiisa Markus ,kuwaasi oo haatan kulamo la leh madaxda dowlada goboleedka Koonfur Galbeed.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media