Sawirro:-Madaxweynaha Jubbaland oo u digay Hay’adaha ka howlgalla deegaanada Maamulkaas

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam(Madoobe)ayaa Maanta kulan la qaatay Hay’adaha kala duwan ee ka howlgala deegaanada Jubbaland.

Kulankan waxaa ka qayb galay Xubno katirsan Golaha Wasiirada iyo howlwadeenada Wasaaradaha qaar iyadoo ay goob joog ka ahayeen Madaxda Hay’adaha madaxa banaan ee Caalamiga ah iyo kuwa NGO-yada ah.

Ujeedada kulankan oo ahaa is barasho iyo kala warqadasho ayuu Madaxweynahu usoo jeediyay in ay dardar galiyaan howlaha ay hayaan isla markaana ay ka fogaadan wax walba oo musuq sababi kara.

Madaxweynahu waxaa kale oo uu ku booriyay in ay dardar galiyaan holwaha ay kaga qayb qaadanayaan gurmadka loo samaynayo dadka ay roobabku saameeyeen.

Hoos ka Daawo Sawirrada Kulanka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media