Sawirro:-Madaxweynaha Jubbaland oo markii ugu horeysay Ciidamo gaar ah la tegay Magalada Garoowe

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta gaaray Magaalada Garowe ee Caasimada Puntland.

Madaxweynaha ayaa halkaasi u tegay in uu ka qayb galo Xaflada Caleemo saarka Madaxweynaha Cusub ee Puntaland ooMaalinta berito ah ka dhacaysa Garoowe.

Baraha ay Bulshada isticmaasho ayaa waxaa lagu hadal hayay laguna baahiyay Ciidamo wata Gaadiidka dagaalka oo uu Maanta Madaxweynaha Jubbaland la tegay Magalada Garoowe,iyaga oo watay hub kala duwan.

Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa Shacabka iyo Madaxda Puntaland uga mahad celiyay soo dhawaynta qiimaha leh ee loo sameeyay isagoo sheegay in ay mudan yihiin in lagaga daydo sida awoodaha loogu kala wareego isla markaana wax walba ay si wanaagsan ugu dhamaadan.

Ciidamadaan gaarka ah ee uu Maanta Axmed Madoobe la tegay Magalada Garoowe ayaa waxa ay kusoo aadayaan xilli weli uu jiro khilaafka u dhaxeeya Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedka Jubbaland.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor