Sawirro:-Madaxweynaha Jubbaland oo markale dagaal kaga dhawaaqay degmada Dhoobley

Ugu horayn Madaxweynahu wuxuu salaan sharaf ka qaatay Cutubyo katirsan Ciidamada isaga oo intaas kadib khudbad u jeediyay uu kaga hadlay dhinacyo kala duwan.

Madaxweynahu wuxuu sheegay in howlgalka xoraynta deegaanada maqan ay diyaar u yihiin oo dhaqaaq uu sugayo wuxuu intaas ku daray in dhawaan ay gacanta soo galayaan Degmooyinka Xagar iyo Badhaadhe iyo Gobolka Jubbada Dhexe isagoo sheegay in Ciidamadii shaqadaas qaban lahaa ay diyaar ku yihiin meelahii loogu tala galay.

Madaxweynaha waxaa uu hoosta ka xariiqay in Al-Shabaab ay yihiin fulayo shacabka u xoog weyn wuxuu tusaale usoo qaatay Xasuuqii soobe oo uu sheegay in dad aan waxba galabsan ay ku laayeen.

Waxaa uu Madaxweynahu amaanay Ciidamada Saldhiga Baarsanguuni ee Degmada jamaame kuwaas oo uu sheegay in ay yihiin geesiyo shacabkooda u hiiliyay,isagoo sheegay in Ciidamada Jubbaland howlgalka ay sii wadi donaan.

Dhinaca kale Madaxweynahu wuxuu Dowlada kenya uga tacsiyeeyay weerarkii dhawaan dadka aan waxba galabsan Al-shabaab ay la  beegsadeen,wuxuu intaas ku daray in Dowlada Kenya waxa shacabkeeda loo beegsanayo ay tahay in laga leexiyo howlgalka ay Soomaaliya ka wadaan iyo gurmadka ay Shacabka Soomaaliyeed u fidiyeen taas oo aan mara hakad ku iman doonin.

Wuxuu ku dheeraday Madaxweynahu in Howlgalada ay bilaabanayaan Ciidamaduna ay guulaysan doonan isagoo Siyaasiyiinta Soomaalida ku booriyay in dagaalka Al-shabaab loo midoobo oo wakhtiga Siyaasda la galinayo lagu bixiyo xoraynta wadanka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media