Sawirro:-Madaxweynaha Jubbaland oo amar siiyay ciidamo loo diyaariyay dagaal ka dhan ah Al-shabaab

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland ee Soomaaliya Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa goor hore oo saaka ah kormeer ku tagay qaar kamid ah Xarumaha Ciidamada Nabadsugida Jubbaland.

Madaxweynaha ayaa Askarta iyo Sarakiisha uu halkaas kula kulmay ku booriyay in ay laban laaban dadaalkooda iyo u diyaar garoowgooda howlgalada socda ee la isugu furayo Magaalooyinka xorta ah kuwa maqana dib loogu xoraynayo.

Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay in Al-Shabaab ay awood ahaan aad u liitaan oo aysan hor istaagi karin Ciidamada howlgalada bilaabay loona baahan yahay in la sii xoojiyo oo si dardar leh loo wado.

Waxaa uu hoosta ka xariiqay in Shacabka wali ku jira gacanta Al-shabaab ay hiil uga baahan yihiin lana joogo wakhtigii xoriyada looso celin lahaa ayna ku noolan lahayeen nolol aan cabsi lahayn.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media