HomeWararSawirro:- Madaxweynaha Jabuuti Oo Furay Bangiga Dahabshiil Ee EAB

Sawirro:- Madaxweynaha Jabuuti Oo Furay Bangiga Dahabshiil Ee EAB

Date:

Related stories

William Ruto oo Farriin Xamaasad leh u diray Harambee Starlets ka hor Kulanka Australia

Madaxweyne William Ruto ayaa farriin muuqaal ah oo dhiirrigelin ah u diray xulka haweenka Kenya ee Harambee Starlets, kuwaas oo maanta wajahaya xulka awoodda badan ee Australia. Maqaalkan ka akhriso nuxurka farriinta Madaxweynaha, ujeeddada ka dambaysa taageerada dowladda iyo rajada laga qabo kulanka weyn ee ka dhacaya garoonka Nyayo.

Sirta ka dambaysa Guusha aan Duugoobin, Maxay dhalinyarada maanta ku qaldamaan

Maqaalkani wuxuu ka hadlayaa caqabadda ugu weyn ee haysata dhalinyarada maanta, taas oo ah rabitaanka guusha degdegga ah iyada oo aan la dhisin aqoon qoto dheer. Iyada oo loo marayo sheeko xikmad leh, waxaad ku baran doontaa sababta samirka iyo barashada aasaasiga ah ay u yihiin hubka kaliya ee qofka ka dhigi kara mid guulaysta oo waara.

Mombasa: Maxay yihiin kooxaha ugaadhsanaya haweenka iyo carruurta

Magaalada Mombasa ayaa hadda wajahaysa mid ka mid ah xaaladihii ugu adkaa ee ammaan darro, ka dib markii ay kordheen kiisaska afduubka iyo dilka loo geysto haweenka iyo gabdhaha. Warbixin ay soo saareen ururada xuquuqda aadanaha ayaa muujinaysa xog naxdin leh oo ku saabsan gabdho iskuuley ah iyo carruur yaryar oo si qarsoodi ah looga afduubtay magaalada,

Somalia Dismisses Former Opposition Figure from Immigration Post After Four Months

Somalia’s Council of Ministers has removed Mustafa Dhuxulow as head of the Immigration and Citizenship Authority and appointed Hussein Khaasim Yusuf as his replacement. The cabinet also passed a general amnesty law and promoted a new ambassador.

Last Shilling Standing: Mogadishu Traders Turn Their Back on Somalia’s Worn-Out Currency

Parts of Mogadishu have effectively sidelined the Somali shilling, with traders and public transport operators refusing to accept the country’s last circulating banknote. The move has disrupted daily life for low-income residents and intensified pressure on the government to fast-track a long-delayed currency reform.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa Xarigga ka jaray dhisme uu Magaalada Jabuuti ka yeelanayo Bangigga EAB oo qayb ka ah Shirkadaha Dahabshiil Group.

Munaasabadda Xarigga lagaga jaray dhismahan cusub oo ka kooban dhowr dabaq, ayaa waxa ka qaybgalay Madax ka mid ah Dawladda Jabuuti, kuwa ka tagay dhanka Somaliland iyo Marti-sharaf kale oo ay ka mid ahayd Marwada Koowaad ee Jabuuti, Marwo Khadra Maxamuud Xayd.

Agaasimaha Shirkadaha Dahabshiil Group Cabdirashiid Maxamed Siciid oo ugu horeyn halkaasi ka hadlay ayaa faahfaahiyey Baanka EAB ee dhismaha uu ku shaqayn doono laga furay Magaalada Jabuuti, waxaanu yidhi “Dahabshiil Baanka, East Africa Bangi, waxay ka shaqeeyaan Caalamka oo dhan, Jabuutina waxay u doorteen horumarka ay jabuuti ka gaartay Gobollada Geeska Afrika, Runtiina Bad iyo Bariba qayb weyn ka ah Horumarka Adduunka..”

Cabdirashiid wuxuu sheegay in Shirkaddoodu ka qayb-qaadatay Internet Badda hoosteeda mara, kaasi oo gaaraya dhammaan Dhulka Soomaalidu degto “Mashaariicda aanu ka qabanay Jabuutina maaha xafladdan Maanta oo keliya ee waxaanu ka qayb-qaadanaa Cable-ka  badda hoos mara ee Illaa Kenya, dhulka Soomaalida oo dhan gaadhsiinaya Internet-ka ugu qaalisan (Xawaare Sarreeya)..” ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey “Baanka aanu Maanta halkan ka furnay waxa naga caawiyey Allaah ha u naxariistee Jaamac Xayd oo doonayey in dhaqaalaha Dalkani uu gaadho halka ugu sarreysa..”

Mulkiilaha Baanka EAB, Maxamed Siciid Ducaale sidoo kalena ah Mulkiillaha Shirkadaha Dahabshiil Group ayaa Munaasibaddaasi ka soo jeediyey hadal u badnaa Mahad-naq ku socda Madaxweynaha Jabuuti, waxaanu yidhi “Madaxweynaha ayaan waxaan waydiiyey, Baanka waan furayaa ee Adigu waxaad iga rabtaa waa maxay?, dabadeedna wuxuu igu yidhi ugu yaraan sow 14 Qof oo shaqaale ah samayn maysid, intaasaan shaqo u doonayaaye, intaas baan kaa rabaa, wax kalena kaama rabo, markaa waxa ii Caddaatay in Madaxweynuhu uu Dadkiisa shaqo u samaynayo..”

Ugu dambayn Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo isaguna gebogebadii halkaa ka hadlay ayaa yidhi “Waxaanu jecellahay inaanu dhiiri-gelino oo aanu tilmaano Qofka Waddankayaga Maalgashada inay yihiin kuwo naga mudan xurmo Qofka Maalgashi samaynayaa waxa loo baahan yahay inta aanu imanin (Jabuuti) inuu sii garan karo Shuruucda uu ku shaqaynayo, waxa isaga nabad-gelinaya, Maalkiisa nabad-gelinaya. Dadka xukuumadda u shaqeeya dhammaantoodna waxay ku amran yihiin inay la dul-joogaan Walaalnimo iyo wada-shaqayn..”

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories