Sawirro:-Madaxweynaha Hirshabeelle oo lagu soo dhaweeyay Baladweyne

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa Maanta gaaray Magaalada Beledweyne iyadoo si heer sare ah loogu soo dhoweeyay Garoonka Diyaaradaha Ugaas Khaliif ee Magaalada Beledweyne.

Soo dhoweyn kaddib Madaxweynaha ayaa mar kale ka hadlay muhiimada dhisida Golaha Deegaanka Beledweyne oo faaidooyin badan u leh bulshada iyo magaaladuba waxaana uu sheegay in duqowda dhaqanka uu la kulmayo si loo sii ambaqaado barnaamijka dib u heshiisiinta iyo in laga wada shaqeeyo xoojinta dowladnimada.

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Dr Maxamed Cabdi Waare oo sii hadlay ayaa soo dhoweeyay dadaalada dib u heshiisiineed ee ka socda Galmudud iyo dhisida Galmudug loo dhanyahay, waxaana uu muujiyay sida muhiimka ay ugu tahay Hirshabelle iyo Soomaaliya Galmudug oo hagaagta waxaana uu raja ka muujiyay Madaxweynuhu dadaaladaasi oo mira dhala.

Madaxweynaha ayaa inta uu joogo Beledweyne dhagaxdhigi doona dhowr mashruuc oo muhiim u ah bulshada Reer Hirshabelle.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media