Madaxweynaha Dowlad Gooleedka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa Maanta dib ugu laabtay Magalada Jowhar ee Xarunta Maamulkaas,isaga oo Maalmahan ku sugnaa Magalada Muqdisho.
Garoonka Diyaaradaha Magalada Jowhar,waxaa wafdiga Madaxweyne Waare kusoo dhaweeyay Madaxweyne ku xigeenka Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe Xuseen,Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Maamulkaas.
Madaxweyne Waare  ayaa maalmihii uu ku sugnaa Muqdisho kulamo la qaatay Madax ka tirsan Hey’adaha Qaramada Midoobay oo uu kala hadlayay, sidii Hir-Shabeelle looga gacan siin lahaa dhinacyada Horumarka iyo dib u dhiska Hey’adaha Dowliga ah.
Sidoo kale waxa uu la kulmay  Madaxda dalka,isaga oo  kala hadlay madaxweynuhu sidii looga xoreyn lahaa deegaanada ka maqna Hir-Shabeelle oo ay gacanta ku hayaan  Al-Shabaab loona dhisi lahaa Wadooyinka Hirshabelle, iyo arrima kale duwan.