Sawirro:-Madaxweynaha Galmudug oo la kulmay Masuuliyiin ka tirsan Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha

Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Galmudug Axmed Ducalle Gelle Xaaf ayaa manta Kulan la qaatay Saraakiisha Laanta Afaraad ee Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya ee ka howlgala Deegaanada Galmudug.

Xubanaha uu la kulmay Madaxweynaha ayaa waxa ay ka kala socdeen dhamaan Degmooyinka Galmudug sida Hobyo,Gaalkacyo,Cadaado,Dhuusamareeb,Cabdudwaaq, waxaana hogaaminaya Agaasimaha Laanta afaraad ee Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya Sugaal Yuusuf waxa uuna Madaxweynaha uga warbixiyay qaabka ay u shaqeeyaan iyo halka ay wax u marayaan. 

Madaxweynaha ayaa uga Mahadceliyay sida wanaagsan oo ay bulshada reer Galmudug ugu shaqeeyana uguna fududeeyaan baahiyaha ay qabaan hadii ay tahay helitaanka Passport-ka oo awalkiisi hore loo doonan jiray Magaalada Muqdisho balse hada Bulshada reer Galmudug ay si sahlan uga heli karaan deegaanada ugu dha-dhaw.

Sponsered

Comments
Loading...