Banaanbaxan ayaa waxaa looga soo horjeeday qarixii dadka badan ee Boqolaalka gaarayay ee 14,kii Bishaan ka dhacay Isgoyska Soobe ee Gudaha Magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.
Madaxweynaha JFS,Guddoomiyaha Aqalka sare iyo R/wasaaraha XFS ayaa ka qeybgalay bannaan bax ballaaran kaas oo lagu qabtay Garoonka kubadda Cagta ee Kooonis ee magaalada Muqdisho.
Dadka ayaa ku qeylo dhaaminaya Alshabaab dooni mayno iyo hadalo kale oo ay ku muujinayaan sida ay uga xun yihiin falkii ka dhacay Soobe.
Mas’uuliyiintan ayaa khudbad u jeedinaya shacabkii ka qeybgalay dibad baxaasi,iyagoo ku boorinaya in ay muujiyaan isku duubni si loo wajoho ka hortaga qaraxyo kale ee dalka ka dacha.
Sawirro