Sawirro:-Madaxa Xukuumadda Galmudug oo Qaabiley Cabdiraxmaan C/Shakuur

Madaxa Xukuumadda dowlad Goboleedka Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir ayaa Xafiiskiisa Magaalada Dhuusamareeb kusoo dhaweeyay Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Sheekh Maxamed Shaakir  ayaa C/raxmaan C/Shakuur uga mahadceliyay Booqashii uu ku yimid deegaanada Galmudug,waxaana intaasi kadib dhexmaray kulan gaar ah.

Sidoo kale Madaxa Xukuumadda Galmudug ayaa Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir ku booriyay in uu ka qeyb qaato midnimada Soomaaliya,waxaana sidoo kale ay ka wada hadleen arrimo kale gaar u ahaa.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa gelinkii dambe ee shalay gaaray Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda dowlad Goboleedka Galmudug,waxaana halkaas ku soo dhaweeyay dad isugu jiray dhalinyaro,Haween iyo taageerayaal badan.

Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir ayaa Socdaalka uu ku tegay Dhuusamareeb waxaa noqonayaa markii labaad,waxaana ugu dambeysay sanadkii 2016-kii.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media