Sawirro:-Madaxa Xukuumadda Galmudug oo la kulmay Xildhibaano ka tirsan G/Shacabka

Madaxa Xukuumadda dowlad Goboleedka Galmudug Shiikh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa xalay kulan la qaatay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo gaaray Magaalada Dhuusamareeb.

Sheekh Shaakir ayaa la kulmay Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi iyo Musharax Madaxweynaha Galmudug Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odawaa ahna Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka,iyadoo ka wada hadlay howlaha dib u heshiisiinta loogu sameeynayo beelaha dega deegaanada Galmudug ee ka socda Dhuusamareeb.

Sidoo kale Madaxa Xukuumadda Galmudug ayaa Xildhibaanada ku booriyay in ay ka qeyb qaataan hormarka Galmudug iyo sidii loo dhisi lahaa Galmudug mideysan oo loo dhan yahay.

Xildhibaanada ka tirsan Golaha Shacabka ee Axmed Macalin Fiqi iyo Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odawa ayaa gelinkii dambe ee shalay gaaray Magaalada Dhuusamareeb,iyadoon halkaas siweyn loogu soo dhaweeyay.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media