Sawirro:-Maamulka Gobolka Banaadir oo Muqdisho ka hirgeliyey Xafiis laga heli doono Adeegyo Cusub

Waaxda Dad Dhigista Dowlada Hoose ee Xamar ayaa Maanta Degmada Hodan ee Gobolkaan Banadir  ka hir gelisay Xafiis Cusub oo Shacabka Degmada Hodan u sahali Doona Iney Ka Helaan Adeegayada ay ugu baahdaan Sida Warqadaha Dhalashooyinka Iyo Sugnaanta.

Munaasabada Xariga-jarka ayaa waxaa ka qeyb galay  Guddomiyaha Degmada Hodan Mudane Abdihakim Dhagajuun Iyo Agasimaha Waaxda Dad Dhigista Gobolka Banaadir Mudane Sharmaake Abukar Oo Ay Wehliyeen Agasimayaasha Xafiisyada Maamulka Iyo Maaliyada Cafimaadka iyo Amiraha bulshada Ee Gobolka Banaadir.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sidoo kale waxaa uu iminka wadaa qorshoyaal kale oo dhammaan degmooyinka Gobolka looga hirgelinaayo  Xafiisyo ay ka heli doonaan Warqadaha Dhalashooyinka Iyo Sugnaanta.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor