Sawirro:-Maamulka Gobolka Banaadir oo Burburiyay Guryo Si Sharci daro ah loo dhistay

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maanta burburiyay guryo si sharci daro ah looga dhistay nawaaxiga Kawaan Bari ee Gobolka Banaadir, kuwaasi oo horay loogu digay balse dhegaha ka fureeystay amarka maamulka.

Duqa Muqdisho Ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow),  Xog-hayaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Cumar Cabdirisaaq Xuseen iyo masuuliyiin kale ayaa kormeer ku tagay goobta ay ka socoto burburinta.

Xog-hayaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Cumar Cabdirisaaq Xuseen oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dhismayaasha la burburiyay ay ahaayeen kuwo si sharci daro ah looga dhisay dhul danguud ah, waxaana uu xusay in dhowrjeer oo hore loo digay, balse dadka leh dhismayaashaas ay awaamiirta maamulka ka dhega fureeysteen.

Dhawaan ayeey aheyd markii Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Eng. Yarisow uu digniin u diray dhammaan dadka degan dhulalkii danta guud sida Jardiinooyinkii iyo xarumaha dawladda inay sida ugu dhaqsiyaha badan u banneeyaan, ciddii awaamiirtan diidana laga burburin doono goob walba oo dhisme sharci darro ah ay ka sameeyso.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media