Sawirro:-Maamulka G/Hiiraan oo soo bandhigay Meydka nin ay ku qaraxday Miino uu Aasayay

Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan oo uu wehlinayay  Taliyaha Ciidamada Nabad-Sugida Gobolka Hiiraan Cabduqaadir Maxamuud ayaa saakay Baladweyne waxa ay Warbaahinta ugu soo bandhigeen  meydka nin dhalinyaro ah oo  ku dhintay qarax miino oo uu  ku aasayay wadada isku xirta Garoonka diyaaradaha Ugaas khaalif  & M/Baladweyne.

Cali jeyte Cismaan Gudoomiyaha gobolka Hiiraan oo Warbaahinta kula hadlay Baladweyne ayaa sheegay in Ninkaan uu doonayay in uu dadka Shacabka ah ku dhibaateeyo miinadaan balse ay isaga ku qaraxday.

Sidoo kale waxa uu ugu baaqay Ciidamada Amniga in ay tallaabo ka qaadaan cidkasta oo lala xiriirinayo in ay ku lug leedahay falal lidi ku ah amniga.

Hoos Ka Daawo Sawirrada.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media