Sawirro:-Kulan xasaasi ah oo u socda Madaxda Galmudug iyo Wakiilka Qaramada Midoobay

Wararka naga soo gaaraya Magalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa wax ay sheegayaan in kulan albaabada u xiran yihiin Xarunta Madaxtooyada Galmudug uga socdo Wafdi ka socda Qaramada Midoobay.

Wafdiga waxaa hoggaaminaya Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Nicholas Haysom  oo ka soo laabtay Magalada Hargeysa kadib kulan uu la soo qaatay Madaxweynaha Soomaliland Muuse Biixi cabdi.

Kulanka ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ka ah Madaxa Xukuumadda Galmudug Maxamed Shaakir Cali Xasan,Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Baarlamaanka Galmudug iyo mas’uuliyiin kale.

Kulanka oo weli ka socda Madaxtooyada Galmudug ee Magalada Gaalkacyo ayaa waxa ay uga hadlayaan xaalada siyaasadeed ee Galmudug ,sida la isugu keeni lahaa Madaxda Sare ee Galmudug iyo Dowlada dhaxe ee Soomaaliya oo hadda khilaaf xoogan uu u dhaxeeyo.

Gaba gabada kulanka ayaa la filayaa in Warbaahinta lala wadaago waxyaabihii ka soo baxa,waxaana kulankaan uu yahay muhiimadiisa ugu weyn xalinta Khilaafka Dowladda iyo Dowlad goboleedyada maadaama  Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Nicholas Haysom  uu horay ula kulmay Madaxda kale ee Dowlad goboleedyada.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor