Sawirro:-Kulan Su’aallo lagu weydiinayo Madaxweynaha KGS oo xalay la qabtay

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa waxaa uu ka qeyb galey Golle Furan oo ah Barnaamij ay Su’allo iyo Fikradaha ay Qaban Dhallinyarada , Aqoonyahanada ku Weydinayan Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane C/Casiis Xasan Maxamed Lafta-gareen oo ka dhacay Magaalada Baydhabo.

Madaxweynaha wuxuu Tagay Miis walba oo Dhalinta ay Fadhiyan, wuxuuna Dhageysanaya Su’aalaha ay Qabaaan,

Waxana Madaxweynaha Dhanlinyarada Mid Kasta ka dhageystay Taladiisa ,iyo su’aashiisa , Isagoona Ugu Jawaabeyay si toos ah .

Waa Barnaamijkii ugu horeyay oo lagu qabtay Deeganada Koonfur Galbeed Soomaaliya, Dhalinyarada deeganka oo Madaxweynahooda Su’aal walba ay qabaan ku weydiineya Miiska, Tani waxa ay tusaale utahay Dowlad Goboleedyada Kale, si Bulshada Qeybaheeda Kala duwan uga dheystaan Su’aalahooda Fikradahooda , Waa mida kali ah Lagu hagaamin kara dalka.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane C/Casiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa ugu dameyn Dhalinyarada Aqoonyahanadaha kula Dar daaramey in qeyb weyn ay ka qaataan Dhisimaha Dowladnimada Iyo Horumarka Deeganadooda.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media