Sawirro:- Kulan gaar ah oo dhex maray Sheekh Shariif iyo Wakiilka QM ee Somalia

Kulan gaar ah ayaa dhex maray madaxweynihii dowladdii KMG aheyd Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo wakiilka gaarka ah ee qaramada midoobe u qaabilsan arrimaha Soomaaliya James Swan.

Kulanka dhex maray Sheekh Shariif  iyo James Swan ayaa looga arrinsaday xaaladda Siyaasadeed ee dalka iyo wax ka qabashada dhibaatooyinka weli hor gudban dhowladnimada Soomaaliya.

Sheekh Shariif Sjeekh Axmed ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Faceboo waxaa uu ku yiri”Waxaan kulan gaar ah la qaadannay aniga iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan xisbiga Himilo Qaran Madaxa howlgalka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Amb James Swan”

Ugu dambeyntii ayay kulankooda kaga wada hadleen caqabadaha siyaasadeed ee jira iyo aragtida xisbiga Himilo Qaran ee ah sarreynta sharciga, Soomaaliya oo is wadata, wadatashata, gacmahana isku qabsata sidii dalka loo horumarin lahaa.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media