Sawirro:-Kulan amniga looga hadlay oo xalay ka dhacay Muqdisho

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow) ayaa xalay shir guddoomiyay kulan looga hadlayay Amniga Caasimadda kaas oo lagu qabtay xarunta Guud ee qeybta Booliska.

Guddoomiye Yariisow ayaa waxaa uu sheegay in Shirka amniga Caasimadda lagu qiimeeyay xaalada Guud ka dib kormeer iyo dabagal joogta ah oo la waday muddo.

Sidoo kale inta uu Shirka socday ayaa waxaa lagu Go’aamiyay dib u eegis in lagu sameeyo Qorshaha Sugida Amniga Caasimada.

Kulankan ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiir kuxigeenka Amniga XFS Cabdinasir Siciid Muuse,Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/guuto Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko,Guddoomiye kuxigeenka Amniga Gobolka Banaadir iyo Saraakiil ka tirsan Booliska.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media