Sawirro:-Kheyre oo kusoo laabtay Muqdisho Tacsina ugu tegay Qoyska Eng. Yariisow

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre oo maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqedisho ayaa tasci ugu tegay qoyska iyo ehelka guddoomiyihii gobalka Banaadir, Eng. Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa la kulmay Ugaas Maxamuud Cali Ugaas iyo maamo Nuuriye Xassan Isxaaq oo hooyo u aheyd guddoomiyihii gobakka Banaadir, Eng. Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan ee u geeriyooday dhaawac kasoo gaaray weerarkii Al-shabab ee dowladda hoose ee Xamar.

Ugaas Maxamuud Cali Ugaas iyo dhammaan ehelka ayaa Ra’iisul Wasaarha uga mahadceliyay tascida uu ugu yimid qoyska.

Ra’iisul Wasaaraha oo saxiixay buugga tacsida ayaa sheegay in Eng. Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan uu ahaa mas’uul Soomaalinimadu ku wayntahay, u taagnaa qarannimada oo aan ka daalin u adeegidda bulshada, waxa uuna Allah uga baryay in uu u naxariisto.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media