Sawirro:-Kheyre oo la kulmay Safiirrada Midawga Yurub Ee Soomaaliya

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta magaalada Muqdisho kulan mira dhal ah kula yeeshay safiirrada dalalka midawga Yurub ee Soomaaliya.

Ra’iisul wasaare Khayre ayaa danjirayaasha kala hadlay caqabadaha dalka ka jira, halbeegyada dawladdu ay doonayso in lagu guulaysto sannadka 2019, dib-u-habaynta dhaqaalaha iyo ciidanka Qaranka.

Kulanka uu ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre la yeeshay safiirrada ayaa sidoo kale looga hadlay mashaariicda horumarineed ee dalka ka socda iyo taageerada midawga Yurub ay ka gaysanayso dadaalada nabadda iyo horumarka Soomaaliya.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media