HomeCaalamkaSawirro:-Khasaaro xoogan oo ka dhashay Qaraxyo lala beegsaday Kaniisado iyo Hoteelo ku...

Sawirro:-Khasaaro xoogan oo ka dhashay Qaraxyo lala beegsaday Kaniisado iyo Hoteelo ku yaalla Sri Lanka

Date:

Related stories

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Trump oo UN-ka Ka Hadlay Iran iyo ICC

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisa Golaha Guud ee Qaramada Midoobay kaga hadlay Iran, Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah

Silsilado qaraxyo oo gaaraya ilaa 6 qarax ayaa saakayto oo Axad ah lala beegsaday Hoteelo Casri ah iyo Kaniisado ku yaalla dalkaasi. Ugu yaraan 138 qof ayaa ku geeriyootay, halka qiyaastii 250-kalena ku dhaawacmeen. Weerarkaasi ayaa lala beegsaday dad ka qeyb galay Dabaaldegga Easter-ka ee dadka Kirishtaanka ah oo iyaga maanta Kaniisadaha ku qabanaya Munaasabad […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Silsilado qaraxyo oo gaaraya ilaa 6 qarax ayaa saakayto oo Axad ah lala beegsaday Hoteelo Casri ah iyo Kaniisado ku yaalla dalkaasi.

Ugu yaraan 138 qof ayaa ku geeriyootay, halka qiyaastii 250-kalena ku dhaawacmeen.

- Advertisement -

Weerarkaasi ayaa lala beegsaday dad ka qeyb galay Dabaaldegga Easter-ka ee dadka Kirishtaanka ah oo iyaga maanta Kaniisadaha ku qabanaya Munaasabad ay u dabaal degayaan maalinta ay u yaqaanaan  “Easter Sunday services”.

Saddex ka mid ah qaraxyadaasi waxay ka dhaceen Kaniisado Katoolik, halka 3 kalena lala beegsaday Hoteelladda qaalliga ee kala ah: The Cinnamon Grand, Kingsbury and Shangri-La oo ku wada yaalla bartamaha caasimadda dalkaasi ee Kolombiya.

Qaraxa 1-aad ayaa la sheegay inuu ka dhacay Kaniisad ku taalla caasimadda, halka qaraxyadda kale ay dhaceen 30-daqiiqo gudahooda.

- Advertisement -

Labada Kaniisad ee kale oo lala beegsaday qaraxyadda ayaa ku kala yaalla Degmooyinka Negombo oo 30-KM u jirta Caasimadda iyo mid kale oo ku taalla Degmadda Batikaloa oo 250 KM dhanka Bari kaga toosan caasimadda dalkaasi ee Kolombo.

Sarkaal u hadlay Isbitaalka Batticaloa o ola hadlay Wakaalladda Wararka AFP ayaa sheegay in ka bdaan 30 qof  laga daaweeyey dhaawaacyo ka soo gaaray qaraxyadaasi.

Afhayeenka Boliska dalka Sri Lanka, Ruwan Gunasekera waxa uu sheegay in la daad-gureeyey dadkii ku dhaawacmay qaraxyadaasi, waxayna  Ciiddanka Ammaanka go’doomiyeen goobahaasi.

Waxaana socda baaritaano lagu ogaanayo kooxihii ka dambeeyey qaraxyadaasi oo u muuqday kuwo la soo abaabulay.

Ma jirto ilaa haddana koox sheegatay qaraxyadda manta ruxay Kaniisado iyo hoteelo ku yaalla dalka Sri Lanka.

Qowmiyadda Budhistaha ayaa ugu badan dalkaasi, waxaana jira qabaa’ilo yaryar oo ka soo kala jeeda Qowmiyadaha Tamiilka iyo Singaliiska.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts