Sawirro:-Khasaaro ka dhashay weerarkii lagu qaaday Xerada Xalane ee Muqdisho

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar loo adeegsaday madaafiic oo duhurnimadii Maanta lagu weeraray Xerada Xalane ee ku dhex taalla Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Goobjoogayaal la hadlay Idaacadda Dalsan ayaa u sheegay inay maqlayeen jugta ilaa iyo 6 madfac oo lagu tuuray dhinaca Xerada Xalane oo ay degan yihiin Taliska Ciidanka AMISOM iyo Hay’addaha shisheeye.

Khasaaro dhaawac ah ayaa ka dhashay weerarka madaafiicda oo qaarkood ku dhacay gudaha Xalane, isla markaana waxaa ku dhaawacmay laba Sarkaal oo ka tirsan Ciidanka AMISOM, kuwaasi oo Xarun Caafimaad la dhigay, sida Dalsan loo xaqiijiyay.

Sawirro laga soo qaaday goob ay ku dhaceen madaafiicda ayaa muujinayay burbur soo gaaray Xafiis iyo gaadiid yaallay gudaha Xalane, in kastoo aysan ka hadli Taliska AMISOM weerarkaas Maanta dhacay.

Al-shabaab warar ay ku qoreen barahooda Interneta-ka ayaa waxaa ay ku sheeteen Mas’uuliyada weerarkii madaafiicda ahaa ee Maanta lagu qaaday Xerada Xalane ee ku dhex taalla Garoonka Aadan Cadde, iyagoona sidaan oo kale horey u weeraray.

Weerarka madaafiicda aya kusoo aadaya, iyadoo la filayo in maalmaha soo socda teendhada Afisyooni oo ku taala xeyndaabka Garoonka uu ka dhici doono shirka u dhaxeeya DFS, DG iyo Gobolka Banaadir oo ay soo qaban qaabisay Beesha Caalamka si heshiis looga gaaro fulinta hannaanka doorashada ee 17 September.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor