Sawirro:-Khasaaro ka dhashay qarax ka dhacay Muqdisho

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxay qarax Gaari lagu xiray oo ka dhacay agagaarka Isgoyska Sayidka ee Magalada muqdisho,kaas oo la sheegay in gaarigiisa loogu xiray mas’uul ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Gaariga oo ahaa Nooca soomaalida u taqaano Carib ayaa xilliga uu qarxayay waxa uu marayay agagaarka Isgoyska Sayidka kasoo horjeedka Kaalinta Shidaalka,waxaana ku dhintay darawalkii waday oo ahaa Agaasime Waaxeed ka tirsanaa Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta Soomaaliya oo lagu Magacaabi jiray  Saacid Xuuki Jaamac,halka uu ku dhaawacmay ruux kale oo wadada marayay.

Ciidamo ka tirsan kuwa booliska Soomaaliya ayaa tegay goobta qaraxa oo u dhowaa,waxaana sidoo kale goobta yimid Ehelada Ninka qaraxaasi ku dhintay,kuwaas oo qaaday meydka.

Gawaarida qaraxyada lagu xiro ayaa mararka qaar ka dhaca Magalada muqdisho,waxana horay ugu dhintay dad badan oo gawaaridii ay wateen qarax loogu xiray.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor