Sawirro:-Jubbaland oo sheegtay in ay fashiliyeen Miino lagu aasay Waddo ay isticmaalaan Ciidamadooda

Ciidamada Nabadsugida Jubbaland ayaa waxa ay soo badhigeen miino nooca dhulka lagu aaso ah taas oo ay sheegeen in ay ka soo saareen Waddo muhiim ah oo ay Al-Shabaab ku Aaseen.

Saraakiil ka tirsan Badsugida Jubbaland oo goobjoog ka ahaa Goobta lagu soo bandhigay miinadaas ayaa waxa uu sheegay in ay ka soo saareen Wadada xiriirisa deegaanada Buula-Gaduud iyo Wirkooy.

Wadadaas ayaa waxaa si aad ah u isticmaala Ciidamada dowladda,kuwa Jubbaland iyo kuwo Kenya ee ka mid ah howlgalka AMISOM.

Saraakiishu masheegin cid ay u soo qabteen howlgalka lagu soo saarey miinada,nooca dhulka lagu aaso ah,waxaana ay ku soo aadeysaa xilli maanta dagaalo culus ay ka dhaceyn kuwaas oo u dhaxeeyey Al-Shabaab iyo Ciidamada Jubbaland.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor