Sawirro:-Jubbaland oo diyaarisay Ciidamo ka howlgalla deegaanada laga saaro Al-Shabaab

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland  oo  ay wehelinayeen Wasiir ku xigeenka Wasaarada Amniga Taliyaha guud ee Ciidamada qalabka sida iyo Masuuliyiin kale ayaa waxaa kormeer ku tageen Taliska qaybta Ciidanka Booliska ee Gobolka Jubbada Hoose

Madaxweynaha ayaa ugu horayn salaan sharaf ka qaatay cutubyo katirsan Ciidanka Booliska iyadoo ay goob joog ahayeen masuuliyiinta ugu sareeya ee Ciidanka.

Madaxweynaha oo qayb ciidanka kamid ah la hadlay ayaa sheegay in howlgalada dib u xoraynta ee bilowday aysan kaliya fulinaynin Ciidanka Daraawiishta balse loo baahan yahay in meelaha la xoreeyo ay tagaan Ciidanka Booliska qaybahooda kala duwan si shaqooyinka caadiga ah aysan gaabis u galin oo nidaamku si toos ah uga hirgalo meelaha Al-Shabaab laga saaro.

Madaxweynahu wuxuu intaas ku daray in Amniga Magaalooyinka kale ay xooga saaraan si Shabaab ayna fursad ugu helin xiliyada howlgalada ka dhanka ah ay socdaan in ay shacabka dhibaateeyaan wuxuu ku amaanay Wiilasha iyo gabadhaha Ciidamada Booliska dadaalkooda iyo sida hagar la’aanta ah ee ay uga soo dhalaaleen u adeegista Bulshada,sida lagu yiri War-Saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Madaxweynaha Jubbaland.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor