Sawirro:-Jilaaga Idris Elba oo Kalgacal u qaaday Gabar Soomaali ah

Idris Akuna Elba waa Jilaa, Heesaa iyo DJ maalmahan qabsaday Baraha Bulshada, kadib, markii la shaaciyey inuu xiriir jacayl u qaaday Gabar Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Sabiriin Dhoore.

Macaamiisha Twitterka waxay ifinayaan Aragtidooda ku aadan Xiriirka Lammanahaasi, inkastoo aysan dadka Maraykanka saamaynin ka-hadalka arrintaasi.

Macaamiisha Twitter-ka ayaa u muuqda inay ku faraxsan yihiin Kalgacaylkooda, kadib, markii dhawaan la soo bandhigay Sawiradooda.

Haweeney kale oo Soomaali ah ayaa sheegtay inuu Idris Akuna Elba uu iyadu si aan Toos ahayn ula sheekeysan jirey.

Haddaba, waa Shaqsi noocee ah Idris Akuna Elba?

Waa Muwaadin British ah, inkastoo Aabihiisa asal ahaan ka soo jeedo dalka Sierra Leone, halka Hooyadiisa oo la oran jirey Eve ay asal ahaan ka soo jeedo dalka Ghana.

Aabihiisa waxaa la oran jirey Winston, wuxuuna ka shaqeyn jirey Faraca Shirkadda Maraykanka ee farsamaysa Gaadiidka ee FORD ku lahaayeen Degmadda Dagenham ee duleedka Bari ee Caasimadda dalka UK ee London.

Idris Akuna Elba waa ubadka keliya ee ay Waalidiinkiisa isku dhaleen, waxa uubishii September 6-dii ee sannadkii 1972-kii  ku dhashay Hackney ee magaalladda London.

Magaciisa hore waxa uu ahaa Idrissa, wuxuuna magaciisa ku soo koobay “Idris” markii uu dhiganayey Dugsi ku yaalla Degmadda Canning oo ku taalla Galbeedka Deegaanka Ham ee jiho ahaan ku toosan Bariga London.

Waxa uu sannadki 1987-kii bilaabay Shirkad DJ oo ay isaga iyo qaar ka mid ah saaxiibadiisa milkiyad u lahaayeen.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media