Ilhan Omar oo ah Somali-Maraykan ka tirsan Kongareeska dalkaasi iyo Afhayeenadda Aqalka Kongareeska Maraykanka, Nancy Pelosi waxay booqasho wadajir ah ku tageen caasimadda dalkaasi ee Akra.
Waxay ka qeyb galeen Munaasabadii 400-sanno guuradii ka soo wareegtay markii qofkii ugu horreeyey ee Afrikaan ah qaab Addoonsi ah loo geeyey Maraykanka.
Dalka Gaana ayaa la sheegay inuu ahaa dalkii ugu horreeyey ee dad Afrikaan oo qaab addoonsi ah Maraakiib looga qaaday, lana geeyey dalka Maraykanka.
Haddaba Socdaalka Ilhan Omar ku timid dal Afrikaan ah ayaa waxa uu ku soo beegmay iyadoo Madaxweyne Trump iyo Taageerayaashiisa ee caddowtooyadda ba’an u haya Ilhan Cumar ay bishii hore ku baaqeen in iyada dib loogu celiyo dalka Somalia ee ay asal ahaan ka soo jeedo.
Ilhan Omar waxay barteeda Instagram-ka soo dhigtay Sawiradda socdaalkii ay iyada iyo Afhayeenadda Aqalka Kongareeska Maraykanka, Nancy Pelosi ku tegeen dalka Gaana iyo Kulankii ay la qaateen Madaxweynaha Gaana, Nana Akufo Addo.
Waxay kaloo la kulantay Madaxweynihii hore ee dalkaasi, Jerry John Rawlings
Ilhan Omar waxay ka mid tahay xubnaha Kudladda Madowga ee Kongareeska Maraykanka ee Afhayeenad Nancy Pelosi isku soo raacaan dalka Ghana.
Ilhan Omar ayaa la sheegay iyadoo dhoola-caddaynaysa inay is-bartay Madaxweynaha Gaana, maalintii Arbacadda ee la soo dhaafay, iyadoo ay isla socdeen Afhayeenadda Aqalka Kongareeska Maraykanka.
Dhinaca kale, Ilhan Omar oo magaceeda rasmiga yahay Ilhan Abdullahi Omar waxay bishii October 4-dii ee sannadkii 1982-kii ku dhalatay magaalladda Muqdisho.
Waa 37 jir ka mid ah Siyaasiyiinta Maraykanka, waxaana laga soo doortay Gobalka Minnesota oo ay u matasho Kongareeska dalkaasi.
Ilhan Omar waxay ka mid tahay Siyaasiyiinta madowga ah ee sida kulul u naqdiya Siyaasadda Madaxweyne Trump, waxayna hadalo kulul isku dhaafsadaan Baraha Bulshadda.
Madaxweyne Trump oo aan dulqaad iyo khibrad siyaasadeed lahayn waxa uu dhowr jeer u gefay Ilhan Omar, wuxuuna si aan fiirsasho lahayn ugu xad-gudbay iyada iyo gabdho kale oo ka tirsan Kongareeska Maraykanka oo laf dhuub gashay ku noqday Siyaasadiisa Cunsuriga ah.