Sawirro-:Hub aruurin lagu sameeyay maleeshiyo beeleed dagaalamay

Dhalinyaro la Magac baxay Madasha Nabadda Iyo Isdhexgalka oo ku mool Magalada Gaalkacyo ayaa bilaabay inay si iskood ah hubka uga aruuriyaan maleeshiyaad ku dagaalamay deegaan duleedka ka ah Magalada Gaalkacyo.

Shalay gelinkii dambe ayaa dhalinyaradaas waxa ay gaareen deegaanka jeexdin oo 20km dhinaca bari uga beegan Magalada Gaalkacyo,waxaana ay kulan la qaateen Waxgaradka maleeehiyaadka dagaalamay oo ka soo kala jeeda Puntland iyo Galmudug.

Dhalinyarada ayaa ku guuleystay inay hubka ka aruuriyaan maleeshiyaadkii dagaalamay,waxaana ay sheegeen in dagaal uusan aheyn mid wanaagsan balse la doonayo in Nabada la qaato.

Maleeshiyaadka dagaalamay oo ahaa xoolo dhaqato ayaa dhankooda waxa ay sheegeen inay nabadda qaateen,isla markaama dagaal dambe uusan jiri doonin.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media