Sawirro:-Hir-Shabeelle oo taageero Millateri siinaysa Macaawisleyda la dagaalameysa Shabaab

Wasiirka Amniga Maamulka Hir-Shabeelle Cabduqaadir Aadan Jeelle oo ay wehlinayeen Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe iyo ku xigeenkiisa Maxamed Cabdi Sheekh ayaa waxa ay booqdeen maleeshiyaad dhawaan la dagaalamay Al-Shabaab ee (Macaawiisley)

Maleeshiyaadka macawiisleyda ayaa waxa ay ku sugan yihiin deegaano hoostaga Magalada Jowhar,waxana wafdiga wasiirka amniga Hir-Shabeelle ay u kuurgaleen xaalad ay ku sugan yihiin iyo taageerada ay u baahan yihiin.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe Axmed Meyre Makaraan ayaa sheegay in Maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe uu ka warqabo,isla markaana taageero ay siinayaan.

Wasiirka Maamulka Hir-Shabeelle Cabduqaadir Aadan Jeelle ayaa sheegay in Maamulka hir-Shabeelle uu diyaar u yahay in uu ka caawiyo dagaalka ay kula jiraan Al-Shabaab,isla markana ataageero Millateri ay siinayaan.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor