Sawirro:-Guddoonka Sare ee garsoorka Maxkamada Sare oo sheegay in gudoomiyaha Maxkamada sare uusan khibrad u laheyn shaqada…

Garsoorayaasha  Maxkamada Sare ee dalka ahna la taliyeyaasha Guddoomiyaha Maxkamada Sare ayaa Maanta kulan ay yeesheen waxa ay kaga hadleen xaalada Garsoorka Soomaaliya,iyaga oo eedeyn u jeediyey gudoomiyaha maxkamada sare.

Garsoorayaasha ayaa waxa ay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ka dalbadeen in Maxkamada Sare uu u soo magacaabo guddoomiye Cusub, oo khibrad  u leh howlaha Garsoorka dalka.

Waxa ay sheegeen in wadahashaqeyntii u dhexeysay iyaga iyo gudoomiyahooda ay meesha ka baxday,iyaga oo la hadlayey Dalsan TV,waxana hor kacayey gudoomiye kuxigeenka Maxkamadda Sare Dr.maxamad maxamuud (Dr.luu)

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor